DEG DEG : Gaari Noaha ah oo  qarax lagula eegtay Muqdisho & khasaare ka dhashay

Muqdisho (Raxanreeb )Warar RBC uu ka helayo degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas goor dhaw uu ka dhacay qarax lala eegtay gaari nooca NOAHA ah.

Qaraxa ayaa lagu xiray gaariga waxaana la sheegay inuu ku dhaawacmay wadihii gaariga sida goobjoogayaasha ay  u sheegeen RBC.

Waxa uu si gaar ah qaraxan uga dhacay xaafada Nasiib- Buundo ee Degmada Boondheere halkaas oo si aad ah loogu maqlay jugta qaraxan.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan  Dowladda Federaalka kuwaas oo qaaday qofka  dhaawac ahaa.

Ma  jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan uu ku dhintay qof ka mid ah dharcadka Hay’adda Nabad sugida Qaranka.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal amaan daro , in kastoo ciidanka Dowladda ay wadaan howlgalo ay ku sugaan amaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.