Mandera, Kenya (Raxanreeb Online): Gaari nooca rakaabka qaada ah (Matatu) oo ka soo ambabaxay magaalada Banisa, kuna sii jeeday Mandera (Yarey), ayaa duhurnimadii maanta galay shil culus.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in aan illaa hadda la soo sheegin wax dhimasho ah, balse shilku uu sababay dhaawacyo.
Waxaa la sheegayaa in hooyo iyo wiilkeeda yar ay xaaladdoodu aad u liidato, kaddib markii ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta shilka iyo tirada dadka kale ee dhaawacmay weli lama helin.

Leave a Reply