MD Xasan iyo Guddoomiye Madoobe oo dalka ka maqan & Marwo sacdiyo oo dalka Madaxwayne ka ah.

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta safar shaqo uga amba baxay magalada Muqdisho asagoo ku sii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Boqortooyada Netherland.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Sidoo kale Masu’uliyiinta Holland ayuu kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya iyo baahiyaha xilligaan kajira sida wax ka qabashada Amniga iyo Abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si la mid ah ka maqan dalka , isaga oo ku sugan magaalada Kambala ee dalka Uganda halkaas oo kaga qayb gali doono munaasabada markii uu xoroobay dalkaas.

Labada masuul ayaa mar qura ka wada maqan dalka , waxaana tani ay dhacday marar badan sidaas oo ay ku sime Madaxwayne ay ku noqotay Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Sacdiyo Yaasiin Xaaji

Marka uu dalka Madaxwaynaha uu ka maqan yahay ayaa sida Dastuurka uu qabo waxa ku sime Madaxwayne ah Guddoomiyaha Golaha shacabka , madaama labaduba ay ka maqan yahay ayaa ku simaha Madaxwaynaha waxa dalka ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji.

Leave a Reply

Your email address will not be published.