Buurhakaba ( Raxanreeb ) Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw Gudaha isbitaalka wayn ee degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ku dhex toogtay Dr.Bishar Ugaas oo ahaa isku duwa wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dr- ka ayaa sidoo kale ahaa Wakiil u qaabilsan Hay’adda SOS Children laanteeda degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.
Lama oga ilaa iyo hadda sababaha iyo cida ka danbeysa dilka Degmada Buurhakaba loogu gaystay Dr.Bishar Ugaas .
Maamulka degmada xubno ka tirsan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen halka uu dilka ka dhacay ee isbtaalka degmada Buurhakaba waxaana goobta laga qaaday maydka marxuumka.
Degmada Buurhakaba ayaa ka mid ah degmooyinka gacanta uu ku hayo maamulka koonfur galbeed Soomaaliya waxaana mararka qaar soo weerara kooxda Al- Shabaab.
Leave a Reply