Mudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray deegaanka Dhinowda ee bariga Gobolka Mudug, halkaas oo uu ku marayo socdaal la xiriira xaaladda deegaanka iyo bulshada.
Dhinowda ayaa kamid ah deegaannada ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimilada iyo bacaadka, iyadoo qaybo badan oo deegaanka ah uu bacaad daboolay, taasoo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo deegaanka.
Dhinowda ayaa sidoo kale kamid ahayd deegaannadii ay ka dhacday doorashadii qof iyo cod ee Puntland.
Dhanka kale, socdaalka Madaxweyne Deni ayaa dhaliyay muran siyaasadeed iyo maamul, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug ay cambaareeyeen booqashada, isla markaana ay sheegeen in deegaanka Dhinowda uu ka tirsan yahay Galmudug.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland iyo Galmudug ay weli isku hayaan maamulka iyo xuduudaha qaybo kamid ah Gobolka Mudug, taasoo mararka qaar dhalisa xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.

Leave a Reply