Xeebaha Puntland (Raxanreeb Online): Ciidamada Turkiga ayaa weli si dhow ula socda markabka M/V LUTUF, oo ay kooxo burcad-badeed Soomaali ah ka afduubteen xeebaha Puntland, iyadoo wararku sheegayaan in markabku siday qalab isgaarsiineed iyo agab kale oo loogu talagalay howlaha Turkiga ee Soomaaliya.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, laba markab oo laga leeyahay Turkiga ayaa ku dhowaaday goobta uu markabka LUTUF ku sugan yahay, halka diyaarado helicopter ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Turki ah ay sameeyeen kormeer dhanka cirka ah.
M/V LUTUF, oo ku safraya calanka Cameroon, ayaa la sheegay in 17-kii Agoosto 2026 lagu qabsaday meel u dhow xeebta Marraya ee degmada Eyl, kadib markii siddeed nin oo hubeysan ay la wareegeen.
Markabka ayaa markii dambe loo kaxeeyay dhinaca xeebaha Nugaal. Waxaa la sheegay in xilliga afduubka ay saarnaayeen 10 shaqaale ah, oo ay ku jiraan lix Hindi ah, hal Turki ah, hal Joorjiyaan ah iyo laba ilaalo oo Serbian ah.
Dowladda Hindiya ayaa horey u sheegtay in badmaaxiinta Hindida ah ay badqabaan, iyadoo xaaladdooda si dhow loola socdo.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii la sheegay in doon yar oo sahay u geysay kooxaha markabka haysta ay dib ugu laabatay xeebta, waxaana xigay duqeyn cirka ah oo lagu soo warramay in lagu dilay afar qof, halka laba kalena lagu dhaawacay.
Si kastaba, cidda fulisay duqeynta weli si rasmi ah looma xaqiijin, mana cadda in dhammaan dadka la beegsaday ay ka tirsanaayeen burcad-badeedda gacanta ku haysa M/V LUTUF.
Xaaladda markabka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Turkiga ayaa weli ah kuwo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee laga qaadi doono xeebaha Nugaal.

Leave a Reply