Halgan ( Raxanreeb ) Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa isla markaanab kaxeeynayay gaari ayaa lagu soo waramqyaa inuu isku qarxiyay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Qaraxa ismiidaaminta ah oo dhacay iyada oo lagu jiro Saaladda Subax ayaa lala eegtay aga-gaarka xaruun ay deganaayeen kooxaha kacdoonka ee dagaalka kala soo horjeeda kooxda Al- Shaabab kuna taala bartamaha degmada Halgan.
Inta la xaqiijiyay Talihihii CID -da Saldhigga Booliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday qaraxa ismiidaaminta waxaana dhaawac uu soo gaaray hal qof oo kamid ah kooxaha kacdoonka ee dib -u-xoreynta gobolka Hiiraan.
Lama soo sheegin khasaare kale oo dheeraad ah oo soo gaaray dadka deegaanka ama kooxaha kacdoonka ah ee la beegsaday, maamulka degaanka dhankiisa wax faahfaahin ahna ma uusan ka bixin sida ay wax u dhaceen.
Leave a Reply