Duqeymo ka dhacay Degmada Galcad & faahfaahinta khasaaraha.

Raxanreeb ( Dhuusmareeb ) Wararka aan ka heleyno degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno hoostaga degmada Calad.

Diyaarado dagaal ayaa la sheegay in duqeymo xooggan la beegsanayaan saldhigyo ay Alshabaab ku leeyihiin deegaannada kala ah Ceel Xasan Cali iyo tuulo u dhaw Bud bud.

Xiriiro aan la sameynay dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ay maqlayaan jugta qaraxyo xooggan oo diyaaradaha dagaalka ay la beegsanayaan saldhigyada Alshabaab.

Isgaarsiinta ayaa ka maqan deegaanad ay duqeymaha xoogan ka socdaan ee kala ah Ceel Xasan Cali iyo meel u dhaw deegaanka Bud bud.

Tan iyo bishii July Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa lumisay dhulkii ugu badnaa oo ay gacanta ku heysay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, taasoo sababtay in xubnaheedu kala firxadaan, Dowladduna ay ku dhawaaqday in aan la joojin doonin dagaalka ilaa alshabaab laga cirib tiro guud ahaan dalka soomalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.