DEG-DEG: Qof Shacab ah oo Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb

DEG-DEG: Qof Shacab ah oo Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Raxanreeb Online): Qof shacab ah ayaa lagu dilay deegaanka Duduma-Cadde, oo ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, dilka ayaa yimid kaddib markii muran uu dhexmaray marxuumka iyo eedeysanaha, kaas oo markii dambe dilay marxuumka ka hor inta uusan goobta ka baxsan.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, waxaana halkaasi ka socda baaritaanno lagu xaqiijinayo faahfaahinta dhacdada iyo cidda ka dambeysay.

Ilaa hadda lama shaacin magaca marxuumka, sidoo kalena faahfaahin dheeraad ah lagama hayo xaaladda eedeysanaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.