DEG-DEG: Xubin Ka Tirsanaa Burcad-badeedii Afduubatay MV LUTUF oo Garacad Lagu Dilay

DEG-DEG: Xubin Ka Tirsanaa Burcad-badeedii Afduubatay MV LUTUF oo Garacad Lagu Dilay

Garacad (Raxanreeb Online): Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay degmada xeebta ah ee Garacad, kaas oo lagu beegsaday xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxdii afduubatay markabkii MV LUTUF.

Hawlgalka ayaa lagu dilay, sida xogaha la helayo, Bile Galaal, oo lagu sheegay inuu kamid ahaa burcad-badeedii gacanta ku haysay markabka LUTUF.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa goobta ku qabtay tiro kamid ah ragga ay hawlgalku beegsanayeen, iyadoo aan weli la shaacin tiradooda iyo xaaladdooda.

Hawlgalka ayaa dhacay kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garacad ay gaareen xubno lagu sheegay inay ka tirsanaayeen kooxdii haystay MV LUTUF, oo markii dambe lagu sii daayay heshiis madax-furasho ah.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay sheegtay inay si adag ula dagaallamayso burcad-badeedda, iyadoo amniga xeebaha iyo la-dagaallanka afduubka maraakiibta ay kamid yihiin arrimaha mudnaanta la siinayo.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka iyo khasaaraha ayaa weli la sugayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.