Beledweyne (Raxanreeb Online): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn xal u helay sidii Col. Cali Xuubeey, oo shan bilood ka hor loo magacaabay Taliyaha Guutada 5-aad ee ka howlgasha gobolka Hiiraan, uu ku gaari lahaa magaalada Beledweyne.
Col. Cali Xuubeey ayaa maanta gaaray Beledweyne, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda si rasmi ah ula wareego xilka Taliyaha Guutada 5-aad.
Imaatinkiisa Beledweyne ayaa kusoo beegmaya kaddib muddo shan bilood ah oo ka soo wareegtay magacaabistiisa, iyadoo aan si cad loo shaacin sababihii dib u dhigay inuu xilka ka howlgalo gobolka.
Taliyaha cusub ayaa wajahaya howlo la xiriira amniga gobolka Hiiraan, isku-duwidda ciidamada iyo xoojinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gobolka uu yahay mid muhiim u ah dagaalka dowladda iyo ciidamada deegaanka ay kula jiraan kooxda.

Leave a Reply