DEGDEG: Dagaal xooggan oo ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan

DEGDEG: Dagaal xooggan oo ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan

Hiiraan ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaray gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka macawiisley iyo kooxda Al-shabaab uu ka socdo howdka labada gobol ee dhaxeeya ee Ceelhareeri iyo Aadan Yabaal.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid xooggan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwa.

Hoggaamiyaal katirsan ciidanka Macawiisleey, ayaa sheegay in xaalada ay adag tahay, isla markaana labada dhinac dagaalka u dhaxeeyo uu yahay mid culus.

Sidoo kale hoggaamiyaasha ayaa tilmaamay in hadda aysan ka warbixin Karin khasaaraha maadama uu weli socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.