Deni & Axmed Madoobe maku heshiin doonaa mooshinka RW Hamse

Deni & Axmed Madoobe maku heshiin doonaa mooshinka RW Hamse

Adis Ababa (Raxanreeb )  Maamulada Puntland  iyo Jubbaland oo xiriirkooda oo ahaa mid xumaa sanadka uu xukunka uu joogay Madaxwaynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaas kula kulmayo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Aby Ahmed.

Xiriirka labada dhinac ayaa bilihii dhowaa u muuqday mid gaabiyey, ayada oo uu wiiqmay iskaashiga labada maamul, oo mar u muuqday kuwa aan ku kala harin go’aanada xasaasiga ah.

Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gaari doonaa sida wararka la helayo ay sheegayaan magaalada Adis Ababa halkaas uu kula  kulmi doono Axmed Madoobe.

Labada Madaxwayne ee Jubbaland iyo  Puntland ayaa ku kala fogaaday , magacaabista Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo Puntland ay diiday Axmed Madoobe-na aan ku gacansiin Deni diidmadiisa.

Axmed Madoobe ayaa wada dadaalo uu ku kasbanayo  dhinacyo badan ka dib markii ay soo baxeen wararka la xiriira  khilaafka  huursan ee kala dhaxeeya  Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga qodobada  kale ee ay ka wada – hadli doonaan labada masuul ee kulankooda uu ka dhici doona magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya marka laga reebo xogta ku saabsan  khilaafka labada masuul.

Leave a Reply

Your email address will not be published.