Ruto ”Afrika & Soomaaliya-ba  uma baahna kaalmada Midowga Yurub”

Ruto ”Afrika & Soomaaliya-ba  uma baahna kaalmada Midowga Yurub”

Nairobi (Raxanreeb ) Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray.

Madaxweyne  William Ruto ayaa ku dhaleeceeyay madaxda dalalka Afrika, iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatada gudaha qaaradan ka jirta.

“Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo weydiinta maamulka Midowga Afrika Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85M ‘’ ayuu yiri Madaxwaynaha Kenya Ruto

Waxa uu hadalkiisa intaasi kusii daray in wixii gurmad ah ee loo baahdo loola cararo oo kaliya Midowga Yurub, isagoo walaac xooggan ka muujiyay dhaqankaasi caadada noqday.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku baaqay isbedel qaab dhismeedka Midowga Afrika si ay si madax banaan ula tacaalaan caqabadaha qaarada Afrika oo dhibaatooyin badan la daala- dhacaysa.

“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa ku daray Willian Ruto.

Hogaamiyeyaasha gobolka ayaa horraantii todobaadkan ku kulmay Kampala, halkaas oo ay ku adkeeyeen baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iideysiga sanduuqa nabadda ee Midowga Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.