DENI ma wuxuu halis galinayaa Puntland ?  – Dood ka jirta GAROOWE

DENI ma wuxuu halis galinayaa Puntland ?  – Dood ka jirta GAROOWE

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa wajahaya eedaymo kaga  imaanaya xubnaha mucaaradka ee loolanka kugula jira doorashooyinka soo socda.

Waxa ay ku doodeen xubnaha mucaaradka in Madaxwaynaha maamulkaas uu doonayo inuu maquuniyo siyaasiinta ka aragti duwan isla markaana uu ku jiro sida ay sheegeen damac muddo kororsi ah.

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda deegaanada maamulkaas ayaa soo saartay bayaan culus iyagoo lix arrimood oo halis ah  ku eedeeyey Madaxweyne deni.

Bayaanka siyaasiyiintan ayaa wax aan caqli gal aheyn ku tilmaamay doorashooyinka qof iyo qof eeuu damacsan yahay Saciid Deni iyagoo xusay Deni uu Puntland u horseeday siyaasadeed iyo jahwareer.

Madaxweyne Saciid Deni waxaa kale oo lagu eedeeyey inuu abuuray qalalaase dastuur iyo mid amni oo haatan ka taagan Puntland, bayaanka oo dhameystiran hoos ka akhriso

Mudooyinkanba waxaa soo baxaya warar ku saabsan damaca Madaxwaynaha maamulkaas uu ugu jiro sidii muddada uu  u kordhisan lahaa taas oo  buuq badan ka dhax abuurtay deegaanada maamulka Puntland.

Waxa kaloo arimahan oo idil ka sii horeeyay wax ka bedelka Dastuurka maamulkaas oo xubno badan oo siyaasiin ah ay ku tilmaameen  mid lagu doonayo in lagu shubto doorashooyinka soo socda ee ka dhici doona Puntland.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Leave a Reply

Your email address will not be published.