RW Xamze oo Mareykanka kulan kula qaatay Ilhaan Omar

RW Xamze oo Mareykanka kulan kula qaatay Ilhaan Omar

New York (Raxanreeb ) R/Wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu tagtay R/Wasaaraha.

Sidoo kale, Xamze iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Dhanka kale, Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen labada masuul sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, waxa uuna Xamse ka dalbaday Ilhan in kala shaqeyso Mareykanka sidii uu Soomaaliya u caawin lahaa.

Ilhan Omar oo asal ahana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa marar badan dowladda ay katirsan tahay ee Mareykanka ugu baaqday in ay taageerto dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxa ayna Ilhan booqasho ku tagtay magaalooyin kuyaalla Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.