Boosooso ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in booqasho maalmo qaadan doonto uu ku tago magaala Xeebeedka Caluula ee gobolka Bari.
Xubno ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Madaxwayne Saciid Cabdullaahi – Deni ayaa sheegay in baaqashada Saciid uu ay salka ku hayso kulamo uu la qaadanayo Odayaasha deegaanka.
Waxa uu salka – ku hayaa kulanka ka hadalka arrimaha doorashooyinka iyo baahiyaha ka jira magaalo xeebeedka Caluula ee gobolka Bari.
Ciidamo suga amniga oo horudhac u ah safarka Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen magaalada Caluula sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ku sugan.
Safarkan ayaa lagu tilmaamay kii u horreeyay ee Siciid Deni Caluula ku tego tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8 January 2019.
Leave a Reply