Garsoore Saalax Dheere oo ku soo biiray kooxda caburinta saxaafadda Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb ) Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe (Saalax Dheere) oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa illaa shalay ku jiray orod iyo wicitaan telefoonno uu ku doonayo in lagu dacweeyo saraakiisha xabsiga dhexe ee Muqdisho isagoo ka xun in Xoghayaha Somali Journalists Syndicate – SJS Abdalle Mumin laga siidaayey xabsiga dhexe maalintii shalay.

Saalax Dheere ayaa telefoonno u diray shakhsiyaad kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin isagoo ku ashtakeynaaya saraakiisha xabsiga dhexe oo iyagu raacay sharciga, isla markaana diiday inay Xoghaye Abdalle Mumin ay xiraan. Saalax Dheere ayaa la safan Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ah ninka kiiska Abdalle Mumin ka dambeeya.

Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin ayaa u sheegay in maanta oo Talaado ah 9:00 subaxnimo kulan laga yeesho khilaafka xooggan ee ka dhexeeya Saalax Dheere oo la safan Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo saraakiisha xabsiga dhexe oo iska diiday inay xiraan Abdalle Mumin.

Saraakiisha Xabsiga Dhexe ayaa ku doodaya in Xoghaye Abdalle Mumin loo geystay tacaddi fara badan, isla markaana uu xirnaa muddo ka badan 5 bilood, halka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Saalax Dabaan) uu ku xukumay 2 bilood.

Sida uu qabo xeerka xabsiyada, waxaa hadda Abdalle Mumin uu yeelanayaa xuquuq u dhiganta 2 bilood iyo 11 maalmood oo magdhow ah. Balse Saalax Dheere oo isagu si hoose kiiskan ugala shaqeynayey Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa raba in Abdalle Mumin la duudsiiyo xuquuqdiisa, isla markaana xabsiga lagu sii hayo.

Ururrada Saxaafadda ee SJS iyo SOMA ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay shalay oo Isniin ahayd ku riday xoghaye Abdalle Mumin, iyagoo ku tilmaamay “mid siyaasadeysan oo lasoo dhoo-dhoobay”.

SJS iyo SOMA ayaa sheegay in Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala uu yahay qofka markii hore billaabay dacwaddan oo shantii bilood ee lasoo dhaafay ka socotay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.