DENI  ‘’ Waxaan  dhigayaa  gogol  dib u heshisiin si khilaafka loo dhameeyo ‘’.

DENI  ‘’ Waxaan  dhigayaa  gogol  dib u heshisiin si khilaafka loo dhameeyo ‘’.

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu dhigo gogol dib u heshiisiin ah si loo wada hadlo.

Madaxwayanha waxa uu sheegay  in loo baahan yahay in la soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay kaas oo ragaadeeyay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya .

Waxa uu xusay Madaxwayne Saciid Deni in xiligan aan wax faa’ida ah lahayn inuu sii socdo khilaafka siyaasadeed ee jira maadama la galyo waqti adag oo u baahan isku duubnaan iyo wadajir.

“Waxaan rabaa inaan furo gogol Soomaaliyeed oo lagu qabto Puntland oo lagu heshiiyo dadka Soomaaliyeed, laga wada hadlo difaaca dalka iyo badiisaba” ayuu yiri Siciid Deni.

“Waxaa noo fidsan gogol Soomaaliyeed oo aan kuwada hadalo, Madaxweyne Xasan Sh Maxamuudna waa kii hore u yiri: Soomaali heshiis ah Aduunkana la heshiis ah, marka heshiiskaas baa hadda loo baahan yahay” ayuu sii raaciyay Deni.

Hadalkan waxa uu ka sheegay Saciid Deni , munaasabada lagu caleema saarayay oo ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.