FALCELIN : DENI oo bahdilay Xasan Sheekh & amar uu siiyay ku xigeenkiisa.

FALCELIN : DENI oo bahdilay Xasan Sheekh & amar uu siiyay ku xigeenkiisa.

Garoowe (Raxanreeb ) Waxaa si aad ah loogu falceliyay muuqaal madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya oo soo galay Hall-ka lagu caleemasaarayay Deni oo ay u istaagteen Xasan Sheekh  madaxdii joogtay hase ahaatee kursigiisu aan ka kicin saciid.

Waxa ku jiray muuqaalkaas sidoo kale madaxwayne Saciid Deni oo ku amraya sida loo fasiray ku xigeenkiisa inuusan istaagan oo iska fadhiisto isagoo gacantiisa ugu tilmaamaya iska fariiso.

Madaxwayne Siciid Deni ayaa faray in uu fariisto mar uu rabay in uu u istaago Madaxweynaha. Xasan Sheekh oo u sii ruqaansanayey dhinaca minbarka khudbadda.

Deni, isagu fadhiga kama kicin xilli dhammaan madaxdii kale istaageen oo ay u muujiyeen madaxwayne Xasan Sheekh maqaamkiisa.

Ficilkaas si weyn ayaa loo cambaareeyey, dadka qaar ayaa qaba in Madaxweynaha Puntland oo la joogay xafladdiisii caleemasaarka ku kacay laba ixtiraam darro.

In uu isagu isla weyni muujiyey oo uu qadarin waayey Madaxweynihii qaranka iyo in uu sida carruuta ku qasbay Madaxweyne Kuxigeenkiisa in uu fariisto.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xurguf xoogan waxa ay kala dhaxeeysaa oo xaga siyaasada ah madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama oga in talaabadan ay ku lug leedahay arintaas iyo in kale iyadoo tani ay ka dhalatay hadal hayn xoogan oo ah halka uu gaarsiinsan yahay khilaafka siyaasadeed ee Deni iyo Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.