Gaalkacyo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Soomaaliland.
Isagoo ku sugan oo Olole doorasho ka wada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayuu sheegay Saciid Deni in dhanka Dowladda Soomaaliya ka socon wayday wax kasta oo dano ay ugu jirto Soomaaliya.
Madaxwayne Saciid Deni ayaa sheegay in wax awood ah uusan lahayn , Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la awood tiray isla markaana la magacaanay ergooyin cusub oo aan hore loo aqoon.
Saciid Deni ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeedaan Dimuqraadiyada isla markaana ay tahay wax laga xumaado sida uu yiri.
Waxa uu intaas warkiisa ku daray in Somaliland iyo Dowladda ay doonayaan in ay dumiyaan , sida uu yiri maamul goboleedka Puntland , taasna uu yiri in ay tahay wax caqliga ogolayn.
“Puntland waxa ay difaaca u tahay ummmada Soomaaliya waa astaan , maanta waxaan ognahay in maanta la weerari doono Laascanood nacabka inuu ku soo duulay ka yeeli mayno ‘’ ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.
Soomaali oo midowda ayuu sheegay Saciid Deni in in xoog badan ay galiyeen , isla markaana lagu abaal dhacay.
Leave a Reply