Beledwayne (Raxanreeb ) Madaxda maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa siyaabo kala uga hadlay howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda deegaano ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Madaxwayne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hargar Dabageed ayaa sheegay in Guddoomiye Ali Jayte uusan la qabin in ay sii wadi wayeen reer Hiiraan dagaalka loogu soo horjeedo Al- Shabaab.
Dabageed ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay bilow u ahaayeen dagaalka ay ku diidan yihiin Al- Shabaab isla markaana ay ku guulaysteen in ay la wareegaan deegaano badan oo Hiiraan ah.
Hadalka Cali Jayte ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay siyaasiin badan oo kuwaas oo sheegay in ay muuqanayso in howlgalka Dowladda ee Hiiraan uu shaki badan ku gadaman yahay .
Dhaliilaha hadda soo baxaya ayaa ku soo aadaya ayada oo haatan la filayo inuu billowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan waddamada dariska.
Cali Jeyte ayaa sheegaybinay quus ka joogaan dagaalka Alshabaab oo lagu fiirsaday siduu tilmaamay ayna ahaayeen kuwi bilaabay kacdoonka ka dhanka ah Aldhabaab.
Maalmo ka hor Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo war qoraal ah soo saaray waxa uu ku weeraray dowladda federaalka isaga oo shaaca ka qaaday in la haystay fursad weyn oo loo adkaan karay Shabaab, balse dowladdii ay ka gaabiyay.
Lama oga sida hadalada kala duwan saamayn ay ugu yeelan karto , howlgalada socda kaas oo lagu doonayo in sanado badan ka dib Al- Shabaab looga adkaato , kaas oo ka socda meelo badan oo dalka ah.
Leave a Reply