DFS ‘’Daruufta lagu jiro ayaa keentay in la xiro waddooyinka‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) War ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaada ah lagu sheegay in ay ka cudur daaranayso – in la xadido dhaq-dhaaqa magaalada Muqdisho .

Waxa lagu sheegay qoraalka in sababaha xirnaanshaha waddooyinka ay tahay daruufo dhanka amniga ah oo ah shir caalami ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

‘’ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho ‘’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Waxa qoraalka intaas la raaciyay in shacabka la dareemayso Dowladda Soomaaliya  culeyska ay tallaabooyinkani ay  leeyihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.