DF oo joojisay dhoofinta shaqaale Soomaaliyeed

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan ay ku joojineyso in Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed la qori karo ama dalka dibadiisa loo dhoofin karo si uu u Shaqeysto, sidoo kalena baabi’isay ruqsadihii iyo shatiyadii hore ee Wasaaradda Shaqada siisay Shirkadaha adeegga shaqosiinta dibedda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo la ogeeysiiyay Shirkadaha Adeega Shaqasiinta Dibadda, Hay’adda duulista Rayidka, Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Wasaaradda Amniga & Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15-kii Bishaan oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay ka joojiyay Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama Dalka laga dhoofin karo.

Wasaaradda oo qoraalkaan la wadaagtay hay’adaha ay quseyso ayaa sheegtay in Wasaradda oo ka duuleysa waajibaadka Qaran ee ka saaran Arrimaha Shaqada ee ay u xilsaarantahay, markii ay garawaaqsatay in ay muhiim tahay in la yareeyo xaddiga shaqa la’aanta ee ka jira dalka gudihiisa ee saameeyey nolosha Bulshada Soomaaliyeed ay dejisey Siyaasadda iyo Habraaca Guud ee Shaqosiinta Dibedda. Siyaasaddaas oo Golaha Wasiirada ansixiyeen 17-06-2021 saldhigna u ah hadafka guud ee ah in la ilaaliyo xuquuqda, badbaadada, sharafta iyo karaamada xoogsatada Soomaaliyeed ee daneyneysa in ay si sharci ah uga qeyb qaataan fursadaha shaqosiinta dibadda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in si looga dhabeeyo hadafkaas Wasaaraddu ay weli ku guda jirto kuna hawlantahay sidii loo dhammeystiri lahaa waxyaaba lagama maarmaanka u ah dhaqangelingelinta Siyaasadda iyo Habraaca Cusub ee Shagosiinta Dibadda.

Ugu dambeyn Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadaan ay u qaaday kadib markii ay u cadaatay inay jiraan Shirkado si sharci darro ah dalka uga dhoofiya Shaqaale Soomaaliyeed, iyada oo aan la ogeeysiin Wasaaradda Shaqada, sidoo kalena Wasaaraddu ogaato tacadiyo lagula kaco Shaqaalaha loo dhoofiyo dalka dibaddiisa.

Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli horay dowladda Soomaaliya dalka dibaddiisa u dhoofisay gabdho Soomaaliyeed dalka Sacuudiga, kuwaas oo lagula kacay tacadiyo kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.