Kulanka Qaran ee Xiriirka Dowladaha Hoose oo Maanta Lagu Daahfuray Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa maanta daahfurtay kulanka qaran ee xiriirka dowladaha hoose, iyada oo xoogga lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dhismaha dowladaha hoose, caqabadaha heysta, baahinta maamullada ee dhisidda goleyaasha deegaan ee dowlad goboleedyada iyo arrimo kale.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, wasiirrada arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada iyo howlwadeennada kala duwan ee heerarka federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlaya heerarka ay marayaan dhismaha dowladaha hoose,  shaqada socota ee barnaamijka JPLG iyo dhameystirka.

Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cayrdaruus Macalim isaga oo soo dhoweeyey ergada kala duwan waxaa uuna yiri “ Waxaan soo dhoweynayaa dhammaan mas’uuliyiinta shirka, kulankan qiimaha ee ay joogaan wasaaradaha arrimaha gudaha ee labada heer,  Insha allah waxaan rajeynayaa in uu kasoo baxo arrimo wax ku ool ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda  arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed Cabdimaalik Ibraahim oo isna kulanka ka ahadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin dhameystirka howlaha dowladaha hoose isaga oo yiri “Dowladaha hoose waa lafdhabarta dowladnimada, wasaarad shaqo qaban karto ma leh haddii aaney la shaqeyn dowladaha hoose, waxaan diyaar u nahay in ku biirinno”.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cali Careys Xasan oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in Jubbaland ay wax badan ka qabatay maamul dhiska “ Waxaa diyaarsan 11 wasaaradood oo ka shqeeya maamul daadejinta iyo xafiis, waxaan qabannay shirar heer wasaarado iyo degmooyin, oo ujeedku yahay maamul daadejin:

Leave a Reply

Your email address will not be published.