Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Muqdisho (Raxanreeb )- War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka dalbanayaan in la xiro oo la soo- gaba- gabeeyo xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la joogo waqtigii Dowladda Soomaaliya ay soo xiri lahayd albaabka ku tiirsanaanta , xafiiska UNSOM ee Soomaaliya isla markaana ay isku filan tahay markan.

Waxaa loogu mahadceliyay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ka soo baxay Qaramada Midoobay , dadaalkeeda joogta ahaa ee ay ka qaadatay dib u dhiska dowladnimo iyo kaalmada joogtada ahayd.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay sii wadi doonto dadaalkeena, isla-markaana ay joogteyn doonto arrimaha hortabinta u leh dowladnida.

Haddii golaha Ammaanka u codeeyaan, in shaqada UNSOM lajoojiyo, waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya laga saaray chapter 7 oo ahaa in loola dhaqmo sidii dal aan madax banaaneyn, iskuna filneyn.

Si kastaba, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

Go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo dhawaan in dalka ka baxaan ciidanka ATMIS, kuwaas oo qorshahoodu yahay in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sanadkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.