DF oo sheegtay inay caqabad ka haysto soo celinta ciidamada jira Eritrea

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa qeyb ka mid ah wareysi uu siiyay VOA wuxuu uga hadlay arrimaha ku gedaaman in ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea dib loogu soo celiyo dalkooda.

Wasiirka ayaa sheegay in ayadoo la fulinayo ballan qaadkii madaxweynaha in ciidankaas dalka lagu soo celi doono, balse ay u baahan tahay in tallaabadaas la qaado kharash aad u badan.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay raadineyso cid ka gacan siisa soo celinta ciidankaasi iyo kharashka ku baxaya.

“Sidii madaxweynuhu sheegay ciidankaas waa la soo celi doonaa, laakiin soo celintoodu waxay u baahan tahay dhaqaale badan, sida gaadiid, xeryihii la deji lahaa iyo qalabkii ay ku dagaallami lahaayeen, marka waxaa socota raadinta waxyaabahaas oo dhan iyo wadahadalladii ku saabsanaa, hadii Alle yiraahdana wakhti dhow ayaa ciidankaas lasoo celinayaa,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Warar uu helay Raxanreeb ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in safar kale uu maalmaha soo socda dalka Eritrea ku tago, si arrimaha soo celinta ciidankaas uu horay ugu sii dhaqaajiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo kaddib markii la doortay ka degay Asmara, waxaana markaas la arkay muuqooda, lana helay xogta ciidankii uu Farmaajo tababarka ugu diray dalkaas muddo laga joogo 3-sannqo.

Madaxweyne Xasan ayaa ololihiisii doorashada ku galay in si deg deg ah uu ciidankaas dalka ugu soo celi doono, haddii la doorto, si ballan-qaadkaas uu u fuliyo Eritrea waxay ka mid aheyd dalalkii ugu horreyay ee uu u safray.

Sababta illaa hadda loo soo celi la’yahay ciidankaas tababarka dhammeystay sannadkii 2020, waxaa la aaminsan yahay inay tahay kharash la’aan iyo deganaasho la’aan siyaasadeed oo dalka ka jirtay wixii hadda ka horreeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.