Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay deegaano dhawr ah oo laga saaray kooxda Al- Shabaab , gobolka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Xubnahan ayaa booqday deegaano hoos – yimaada deegaanka Baxdo , halkaas oo dhawaan laga saaray kooxda Al- Shabaab , waxayna goob fagaaraha ay kula hadleen dadka degaanka .
Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa ayaa dadkii deegaanka ee furimahaas uu ugu tagay ka ballan-qaaday in ay garab taaganyihiin isla markaana ay ka heli doonaan dowladda Soomaaliya wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed ayaa dhankiisa ku boggaadiyay ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, sida ay ugu dhiirradeen in ay iska dul qaadaan Khawaarij banneysatay dhiiggooda, hantidooda iyo sharafkooda, kana been sheegaya diintooda.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada kormeer ay ku samaynayaan deegaano badan oo laga saaray kooxda Al- Shabaab halkaas oo dadka ay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan – deegaankooda.
Leave a Reply