DFS oo sheegtay inay howlgal ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidanka Xoogga, gaar ahaan ururka 9-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Sabya oo ka tirsan deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha hoose.

taliyaha guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Bashiir Cumar oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay dileen Xubo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen Maxkamad ay dadka lacag uga qaadi jireen.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Masu’uliyiin kale, ayaa gaaray furimaha dagaalka deegaannada hoostaga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud waxay Kormeereen deegaannada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga, kuwaas oo dhawaan ka xoreeyay Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga ayaa dadkii deegaanka ee uu furimahaas ugu tagay ka ballan qaaday in ay garab taaggan yihiin, wuxuuna ku boggaadiyay sida ay u go’aansadeen la dagaalanka Alshabaab.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dhankiisa ku boggaadiyay ciidamada deegaanka sida ay ugu dhiirradeen in ay iska dul qaadaan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.