DF oo war kasoo saartay Imaam lagu dilay Muwdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Arrimaha gudaha, Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay loo geystay Sheekh Cabdi Caziz Maxamed Xersi oo ahaa Imaamka iyo Khadiibka masjidka Dabaqaynka, ee degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasiir Axmed Fiqi ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelladdii iyo qaraabadii uu ka baxay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi oo tirsanaa Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sidoo kalana ahaa Imaamka masjidka Dabaqaynka.

Sheekh Cabdicasiis ayaa rag hubeysan oo watay Bastoolad waxaa ay dileen, xilli uu kasoo baxay masaajidka, isla markaana falka kadib goobta ka cararay, dilka Sheekh ayaa kamid noqonaya dilal qorsheysan oo horey uga dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa tagay goobta lagu dilay Sheekha, iyagoona intaas kadib sameeyay howlgal lagu baadi goobayey dadkii geystay dilka, in kastoo aan gacanta lagu dhigin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.