Malleeshiyaad ku dagaallamay Shabeellaha Hoose + khasaaraha

Muqdisho (Raxanreeb) — Dagaallo aad u qaraar oo udheexo beelo walaalo ah ayaa saakay illaa galabta ka dhacay deegaano hoostaga degmada cadalle gobalka shabellaha dhexe.

Inkabadan 8 qof ayaa ku dhintay sida la sheegay dagaalladaas, halka ay ku dhaawacmeen 12 qof kuwaas oo loosoo qaaday dhaawacyadooda magaalada Muqdisho.

Tuulooyinka kala ah Cadow-ul iyo garas weyne ayaa dab la qabadsiiyay oo gabi ahaanba dhulka lala simay sido kalane ceel biyoodyadii isla tuulooyinkaas ayaa la qarxiyay iyadoo dadkii daggenaa deegannadaasi ay iskaga barakaceen.

Deegaannada lagu dagaallay ayaa wali waxa ka jirto xaalad cabsi ah iyadoo wali la filan karo dagallo kale maadaama malleeshiyaadkii halkaas ku dagaallamay ay wali is hor fadhiyaan.

Madaxweyneynaha HirShabeelle Cali guudlaawe ayaa ugu baaqay beelahaas walaalaha ah in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

Guudlaawe ayaa sidoo kalena faray maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe, maamulka degmada Cadalle, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Wax-garadka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaaddaasi, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol nabadeed.

Malleeshiyaadka ku dagaallamay qaar katirsan gobolka ayaa kusoo aadaya xilli dagaal qaraar lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

in 2022 dagaal qabiil leysku dilo waa damiir xumo aad u liidato

Leave a Reply

Your email address will not be published.