Faah faahino ka soo baxaya dilal  kooxo hubeysan ka geysteen degmad Deyniile.

Muqdisho (Raxanreeb ) Kooxo hubeysan ayaa  xaafadda Sii- Sii ee degmada Dayniile ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jeneraal Cabdullahi Xusen Warsame ( Waran ) oo katirsanaa saraakiisha milatariga Soomaaliya kaas oo xilligaa ku suganaa xaafada Sii Sii degmada deyniile ee gobolka Banaadir.

Laamaha amniga degmada Dayniile wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin dilkan  degmadaas loogu gaystay sarkaalkan.

Sargaalkan ayaa la sheegay in ay dileen rag biskoolado ku hubeesan oo watay mooto Fekon ,kuwaa oo dilka kaddib goobta isaga baxsaday.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xiriira dilka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.