DFS ” 136 Al- Shabaab ah ayaa lagu dilay Sh. Hoose “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ciidanka ay  ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose lagu dilay   136 ka mid ah Kooxda Al- Shabaab.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegatay in howlgalkaas lagu dhaawacay in ka badan 98 kale oo ka tirsanaa kooxda Al- shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdiraxmaan AlCadalla ayaa saxaafadda u sheegay maanta oo Axad ah in xubnaha lagu dilay howlgalkaas ay ka mid yihiin Macallin Salaxay, iyo Salmaan dheere, Madaxii Jabhadaha Macallin Xaashi iyo tiro kale .

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay , in dhul kayn ah oo u dhaxeeya tuulooyinka Tawakal iyo Garas Jeereed oo 12 KM galbeed ka jira Degmada Jannaale ee Gobolka Sh/Hoose, uu howlgalka xoogiisa uu ka dhacay.

” Intii howlgalka uu socday waxaa la burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ku jirtay goob u ahayd keydka hubka oo ku taala deegaanka uu howlgalka ka dhacay ” ayuu yir ku xigeenka Wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Si kasta Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in howlga gaar ah ay ku dishay xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.