DFS oo Ciidamo Dheeraad ah Geysay Shabeellaha Dhexe

DFS oo Ciidamo Dheeraad ah Geysay Shabeellaha Dhexe

Shabeellaha Dhexe (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah oo xooggan geysay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo halkaasi ka socda abaabul ciidan oo lagu doonayo in lagu qaado howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa la sheegay inay qeyb ka noqonayaan qorshe amni oo looga gol leeyahay xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada Hirshabeelle.

Abaabulka ciidamada ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dardar geliyaan howlgalada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.