Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo soo bandhiyay nin ku eedaysan in dil uu ka gaystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir ayaa lagu yiri” Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya
waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna
magacaabo Axmed Abdiraxmaan Abdullahi kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay Caasimadda Dalka Keyna ee Nairobi.
Waxayna hay’adaha amniga sheegeen in eedaysanaha la horgeyndoona Cadaalada hadii Allaha idmo.
Hay’adaha amniga waxay sheegeen in eedaysanaha la horgeyn doona Cadaalada hadii Allaha idmo.
Boolisku ma sheegin qaabka ay u suuragashay soo qabashada eedeysanaha iyo inuu jiro xiriirka iskaashi oo ay arrintan kala soo sameeyeen Booliska Kenya.
Leave a Reply