Boqor Burhaan oo yiri ‘’Puntland  oo  u   baahan  badbaado’’.

Boqor Burhaan oo yiri ‘’Puntland  oo  u   baahan  badbaado’’.

Garoowe (Raxanreeb ) Ka dib markii uu soo baxay warka saabsan in Khaatumo go’aan ay ka soo saareen xildhibaanadii  ka imaanayaya deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa lagu baaqayaa shir deg deg ah oo looga hadlayo arrimaha Puntland.

Boqor Burhaan Boqor Muuse  oo kamid ah Isimmada dhaqanka ee Puntland ayaa ku baaqay in la ay isugu yimaado shir degdega ah oo looga tashanayo aayaha Puntland.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse ayuu ugu horrayn ku soo dhaweeyay Go’aankii Isimada SSC-khaatumo ku caddeeyeen in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn doorashada Puntland.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale dowladda iyo siyaasiyiinta Puntland ugu baaqay in ay meel iska dhigaan Khilaafaadka islamarkaana u midoobaan badbaadinta Puntland.

Wuxuu sheegay xaaladda guud ee Puntland inay is beddeshey taas oo ku timid si degdeg ah, isla markaana ay kusoo ku beegantey wakhti xasaasi ah oo ay Puntland doorasho galayso.

Madaxweynaha SSC- Khaatumo, Firdhiye ayaa taageeray go’aanka Isimmada SSC, isagoo sheegay inuu yahay go’aan loo baahnaa.

Isimmada SSSC- Khaatumo ay go’aan ku gaareen in aanay wax xildhibaano ah usoo xulidoonin Puntland, waxayna sheegeen inay ka taliyeen midnimada iyo wadajirka dadka reer SSC- Khaatumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.