DHALIIL CUSUB : DFS oo isku koobtay howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

DHALIIL CUSUB : DFS oo isku koobtay howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

Muqdisho (Raxanreeb) Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa qorshaynaysa in ay bilowdo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Waxaa soo baxaya dhaliilo hadda loo jeedinayo howlgalada Dowladda ay ku doonayso in ay kaga adkaato kooxda Al- Shabaab oo wali ah awood jirta oo ka dagaalanta meelo ka mid ah dalka.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay dowladda inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, oo sida la wada ogyahay wajigiisi koowaad ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay xildhibaan Sambaloolshe in wajiga kowaad uu ahaa mid laga gaaray natiijo sax ah hase ahaatee hada aysan jirin .

Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ayaa sheegay inay gulufkan ka qayb-galayaan ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa mas’uuliyiinta dawladdu xaqiijiyeen in waddamada xuduudda la leh Soomnaaliya ay ciidamo usoo dirayaan saacida kuwa dawladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.