Nairobi oo caga badan ku taagnayn & Soomaalida oo farta wadnaha ku haya

SAWIRKA: Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Nairobi(Raxanreeb ) Mucaaradka Kenya oo ka hadlay go’aan ka soo baxay booliska xilli maanta laga cabsi qabo dibad baxyo.

Mucaaradka Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay dhacaan  inkastoo booliska ay ka digayaan in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah.

Mudaaharaadyada ayaa billowday todobaadkii hore, waxaana ay rabshado ka dhaceen dhowr goobood oo mucaaradku uu ku xoogganaa.

Balse madaxa booliiska, Japhet Koome, ayaa Axaddii sheegay in uusan “oggolaan doonin wax mudaaharaad ah oo ka dhaca dalka” wuxuuna ka digay inay taasi horseedi karto in dad badan xabsiyada loo taxaabo.

Soomaali badan oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka ayaa sheegay in arintan suurtagal ay tahay in saamayn ay ku yeelato Noloshooda iyo ganacsigooda , waxaana jira walwal badan oo ay qabaan.

Ganacsiga aad u badan ayay Soomaalida ku  leeyihiin ,  xaafada Islii iyo magaalooyinka kale ee dalka Kenya ,halkaas oo la dhigay ciidamo fara badan oo amniga suga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.