Dhaqdhaaq  sidee ah ayaa maanta ka socda Dhuusmareeb ?

Dhaqdhaaq  sidee ah ayaa maanta ka socda Dhuusmareeb ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladd Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa la geeyay degmada Dhuusmareeb , halkaa soo howlgal ay ka samaynayaan ka hor gaaritaanka Madaxwaynaha ee Degmadaas oo aad loo hadal hayo.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey u gaaray wufuud hordhac u ah safarka madaxweynaha, waxaana ka qeyb ahaa taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaas oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay inuu hoggaamin doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo deegaanno dhacaya bariga gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb waxaa waxaa uu safar ku gaari doonaa magaalada Xarardheere oo dhowaan laga saaray Al-shabaab iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka sida ay sheegayaan wararka laga helayo Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published.