Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Wararka Goobjoog ay ka helayso deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay u wajahaysteen deegaanada gobolkaas ay kaga sugan yihiin Al- Shabaab.
Ciidanka Dowladda ee ku sugan deegaanada Ceeldheer iyo Masagawey ayaa saaka dhaqaaqay waxayna Isku fidiyeen dhulka Hoodka ah Ee ku aadan dhanka Baraag Sheikh Caamir oo muddooyinkii la soo dhaafay AS ay ku sugnaayeen
Ciidamadaan ayaa Isku Fidiyay dhowr jaho, waxaana Saraakiishu ay sheegeen inay ku suganyihiin Ciid kuus, oo ciidamada Deegaanka ay gaareen iyo Xuseen Cagey oo ciidamada Gorgor iyana ay caga-dhigeen
Wararka la helayo ayaa sheegaya in sidoo kale ciidamo kale oo ka baxay Galcad, waxaana Qorshuhu yahay ay ka qayb yihiin howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab wajigisa labaad ee uu horkacayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.
Gobolada dalka waxaa ka socda howlgalada lagu doonayo in Dowladda Soomaaliya ay kula wareegto deegaano badan oo Al- Shabaab sanado badan ay maamulayeen waxaana hor kacaya Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya.
Diyaar garowga howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ayaa sidoo kale la sheegayaa in heer gabagabo ah maraya, waxaana la xaqiijiyey in howlgalkaan ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka .
Leave a Reply