Dib ayaa loo dhigay kulankii wada jirka ahaa ee labada gole BFS.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dib ayaa loo dhigay kulankii wada jirka ahaa ee labada gole BFS.

Fariintaan ayaa loo diray Xildhibaanada
Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga.

Arrintan ayaa salka ku haysa sida la sheegay weerar kooxda al – Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Villa Roose oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Soomaaliya.

ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay , waxaana waddooyina Madaxtooyada laga dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda , taas oo keentay in dib loo dhigo kulanka Barlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.