Rasaas saaka laga maqlayo Hotelka Villa Rose ee ku dhaw ee u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Al- Shabaab ayaa weerar ku qaatay oo gudaha u gashay Hotelka Villa Rose oo kaabiga ku – haysa Madaxtooyada Qaranka ee Muqdisho , halkaas oo si aad ah loo adkeeyo Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo afjartay weerarka Al- Shabaab ay ku qaatay Hotelka , halkaas oo ay ku jireen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gudaha Hotelka laga maqlayo rasaas ,taas oo lagu tilmaamay in ay tahay in weerar uu ka socdo gudaha Hotelka Villa Rose .

Dad lagu qiyaasay 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Weriye ku sugan Aaga Madaxtooyada ayaa RBC u sheegay in ciidanka gabi ahaanba xireen aaga Madaxtooyada isla markaana uu socdo dagaalka  goos goos ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.