Digniin amni oo soo baxaya Beledwayne  &  fariin loo diray shacabka

Beledwayne  (Raxanreeb ) Magaalada  Beledwayne  waxa soo baxaya warar ku saabsan  suurtagalnimada in caasimada ay ka dhici karaan xili kasta weeraro ay gaystaan kooxda Al- Shabaab.

Saraakiisha maamulka  Hiiraan ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka ay muujiyaan , feejignaan la xiriirta , digniinaha ay jeedinayaan.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle  ayaa sheegay in ay soo gaarayso xog ku saabsan in kooxda Al- Shabaab ay qorshaynayaan qaraxyo inay ka fuliso magaalooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Taliyaha in shacabka ay yareeyaan isu- imaantanka goobaha  muhiim ah ee  magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

“Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Beledweyne Buuloburde iyo Jalalaq waa inay galaan feejignaan amni oo dheeraad ah oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda Al-Shabaab ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan shacabka deegaanadaas,” ayuu yiri. Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle  

Si kasta magaalada Beledwayne waxaa dhawr jeer ka dhacay weeraro , khasaare badan gaystay oo ay fuliyeen kooxda Al- Shabaab kuwaas oo lala eegtay qaarkood – goobo muhiim ah oo ay ku sugnayeen masuuliyiin maamulka ah iyo dad shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.