MUQDISHO : Culays amni oo soo wajahay & sida ay tahay in loogu gudbo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka jira culays amni  oo ka dhashay digniinaha amniga ee ay bixiyeen Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana taas bar barsiocoto dilal kala duwan oo si  joogta ah uga dhacaya caasimadda

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda waxa ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay ku adkeeyaan ammaanka maadama culays dhanka amniga ah uu soo food-saartay magaalada Muqdisho.

Dilalkan  intooda badan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa intooda badan Dowladda waxa ay sheegtay in ay gaysteen kooxda Al- Shabaab.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  meelaha qaar ay ka  jiraan cabsi xooggan , oo la xiriirta amaanka , taas oo ka dhalatay falalka amni darro oo isku bedelay dilalka.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in heegan ay galiyeen  ciidanka si ay ugu hortagaan falalka amni darro eek a dhacaya magaalada Muqdisho.

Falanqeyayaasha amniga ayaa sheegay in xiligan la joogo Dowladda ay la  timaado qorshe ay kaga hortagayso falalka amni darro isla  markaana isbedel ay ku samayso  saraakiisha amniga  kuwaas oo dhankooda gaabis uu ka jiro.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalin kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.