DIGNIIN : RW Israa’iil oo la sheegay in la dili doono

DIGNIIN : RW Israa’iil oo la sheegay in la dili doono

Ankara (Raxanreeb) – Wasiir Ku-xigeenka Tacliinta ee dalka Türkiye, Nazif Yilmas ayaa ka dhawaajiyay hadal ka carreesiiyay maamulka Israel, kaddib markii uu sheegay in kooxda Xamaas ay dili doonaan R/Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu soo dhigay Bartaasi.

Sidoo kale, Nazif Yilmas oo dib u tweet gareeyey qoraal uu soo dhigay Netanyahu , ayuu ku sheegay in kooxda Xamaas ay maalin un madaxa ka toogan doonaan Ra’isul Wasaaraha Yahuuda Israel Benjamin Netanyahu.

“Hal maalin ayey iyaga ku toogan doonaan xitaa, waana dhiman doontaa” ayuu wasiir kuxigeenka Tacliinta sare ee Turkiga ku yiri qoraalka uu soo dhigay Barta Twitterka ee hadda X loo bixiyay.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa qoraalkan uu ku cabsi galinayay R/Wasaraha Israel si deg deg ah u tiray ,kaddib markii uu cambaareyn kala kulmay, waxaana arrintan ka carrootay maamulka Isreal uu hoggaamiyo Netanyahu.

Hadalka wasiirkan u dhashay dalka Turkiga ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Turkiga Rejeb Tayib Erdogan si kulul u cambaareeyay tacadiya ay Isreal ka geesaneyso Marinka Gaza, oo ay ku wadaan duqeymo indho la’aan ah ay dad badan ku laayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.