DIL argagax leh oo laga naxay oo ka dhacay Galmudug.

DIL argagax leh oo laga naxay oo ka dhacay Galmudug.

Caabudwaaq (Raxanreeb ) –Dilal fool xun oo argagax leh ayaa wali ka sii socda deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
War hadda naga soo gaaray degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in halkaas si xun loogu dilay wiil da’ ay oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ayaanle AbdiSalaan Jaamac, oo ahaa 12 sano jir qaar kamid ah qoyskiisa kula noolaa Gobalka Galguduud ee Caabudwaaq deegaan ahaana kasoo jeeday Galdogob, ayay dabley hubeysan oo Cadaado kasoo jeeda ay Afduub iyo dil arxan daran iskugu dareen.

Sida ay wararku sheegayaan, dilka wiilkaas waxaa loo adeegsaday mindi lagu bireeyey, gacmahana waxaa looga jaray (Faas).

Wiil iyo walaashiis ayaa iyana Aano qabiil loo dilay sodoo kale isla Galguduud, maalmo kahor nin birimagaydo ah oo jihadu ka qaldantay baa lagu dilay agagaarka Galdogob, waliba dilkiisa kahor muuqaal laga duubay.

Maamulada deegaanadaas wax war ah ma aysan ma aysan ka soo saarin dhibaatooyinka aanooyinka qabiil ee ku soo noqnoqday Galmudug oo loo arko mid jariimo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.