Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ku soo dhacday Sool.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ku soo dhacday Sool.

Laascanood (Raxanreeb )- Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa kuso dhacday deegaanka Kalcad ee degmada Taleex ee gobolka Sool.

Lama oga waxa sababay dhicitaanka diyaaradaan mana jirto faahfaahino laga helayo dhicitaanka diyaaradan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in shaki badan ay abuurtay diyaaradan aan duuliyaha lahayn ee ku soo dhacday deegaanka.

Saraakiisha SSC – Khaatumo ma aysan faahfaahin diyaaradan iyo waxa ay ahayd hase ahaatee waxa leeyahay waxaa suurtagal ah in ay wax basaasaysay.

Gobolka Sool ayaa ka mid ah deegaano dagaal uu ku dhaxmaray ciidanka SSC- Khaatumo iyo Somaland taas oo keentay in deegaanka uu noqdo mid si iskiisa ah maamul madax banaan u yeesho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.