Diyaarad siday xubno Axmed Madoobe soo magacaabay oo laga celiyay hawada

Diyaarad siday xubno Axmed Madoobe soo magacaabay oo laga celiyay hawada

Garbahaaray (Raxanreeb ) Magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo maanta oo Talaada ah waxaa laga celiyay diyaarad siday , Guddoomiyaha  Ahmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbiraalle.

Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay  Garoonka diyaarada magaalada kuwaas oo diiday in magaalada ay  yimidaan diyaarada siday masuuliyiinta maamulka Ahmed  u soo magacabay gobolka Gedo.

Waxaa lagu soo waramayaa in dadka ay dhigeen dibadbaxyo ay ku diideen in diyaarada ay soo caga dhigto , waxaana ugu danbeyn xubnahaas laga celiyay hawada oo ma noqon suurtagal in ay  ka degaan magaalada Garbahaaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in magaalada  Garbahaaray ay ka dejiyaan xubnaha cusub ee Ahmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.

Axmed Madoobe todobaadkii hore maamul cusub u magacaabay gobolka gedo, balse shacabka gobolkaasi ayaa diidmo kala hor-yimid

Leave a Reply

Your email address will not be published.