Diyaarad waday Wafdi oo ka degi weyday Garowe

Muqdisho (Raxanreeb) — Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaarad sidday wafdi culus oo xalay ka dagi weysay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir Hamaan ee ku yallaa magaalada Garoowe, kadib dhacdo qabsatay.

Diyaaradda ayaa ka baxday magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeeday Puntland, gaar ahaan garoonka Garoowe, iyada oo sidday wafdi ka qeyb galayo aas maanta loo samaynayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo dhowaan ku geeriyooday caasimadda Puntland.

Sababta ay u dagi weysay diyaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in garoonka uu ahaa Nal la’an waxayna dib ugu soo laabatay isla magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka baxday.

Duuliya diyaaradda ayaa waxaa ku adkaatay inuu dajiyo maadaama iftiinka garoonka uu aad u yaraa, taaso ku kaliftay inuu soo laabto, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddaas oo ah mid rakaab ay saaka dib ugu laaban doonto magaalada Garoowe, si ay geysay wafdiga xalay ku wajahnaa magaaladaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay hadal heyn xooggan, maadaama ay la yaab noqotay in shaqadii garoonka ay saameysay layr la’aan sababtay in diyaaraddu ay dagi weyso.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe oo ka mid ah garoomada waa weyn ee dalka ayaa shaqaynayay tan iyo 2018-kii welina lagu guuleysan in uu shaqeeyo xilliga habeenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.