Xudur (Raxanreeb) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalllo ay ka sameeyeen deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan degmada xudur ee gobolka Bakool ay ku dileen halkaasi 2 katirsan Ururka Al-Shabaab.
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in howlgallo ay sameeyeen ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab.
“Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Koofur galbeed, ayaa saakay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool, waxay ku dileen laba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka oo isniin ah ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Khawaarijta u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka.
Dilka labadan horjooge ayaa dharbaaxo weyn ku ah Khawaarijta guud ahaan gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool.
Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawishta Koofur Galbeed.”
Leave a Reply